Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: an additional 1200 AMISOM troops to arrive in capital, so much for threats

Recommended Posts

AMISOM oo la kordhiyey

3 Oct 3, 2008 - 8:02:02 AM

 

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Afrika kana howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyay, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Garowe Online; waxaana xalay weerar lagu qaaday ciidamada Burundi.

 

Ilahaan xog-ogaalka ah ayaa waxay sheegayaan in ciidamada cusub ee kusoo biiray AMISOM ay ka yimaadeen dalka Uganda, kuwaasoo gaaraya 1200-askari, waxaana keenay diyaarado dhawaan lagu weeraray garoonka Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa loogu talo-galay inay isku balaariyaan goobaha ay dagaalada kaga yimaadaan; iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin goobahaas ciidamadu ay isku balaarinayaan.

 

Afhayeenka AMISOM Maj. Behuko Bridgye ayaa dhawaan saxaafada u sheegay inay jiraan goobo gaar ah oo laga soo weeraro fariisimadooda, ayna dhawaan halkaas tagi doonaan si ay uga hortagaan weeraro lagu qaado saldhigyadooda.

 

Goobaha uu sida gaarka ah farta ugu goday ayaa waxaa ka mid ahaa degaanka KM-13 oo ku yaala duleedka Muqdisho, ayna ku sugan yihiin dad ka cararay dagaaladii Muqdisho.

 

Maj. Bridgye, ayaa sidoo kale sheegay in xoogaga mucaaradka ah ee ka horjeeda ay ku dhuumaaleystaan suuqa Bakaaraha oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Muqdisho, isla markaana looga soo tuuro gantaalada lala beegsado garoonka Adan Adde marka ay diyaaradi soo cago-dhigato.

 

Ciidamo kordhintaan ayaa waxay kusoo beegsanaysaa iyadoo AMISOM weeraro aan kala joogsi lahayn lagu hayo, waxaana weerarkii ugu dambeeyay lagu qaaday xalay saqdii dhexe ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM, kaasoo sababay dhimashada 3-qof inta la ogyahay iy dhaawaca 5-qof oo kale.

 

Rasaas iyo madaafiic ay ku jawaabeen ciidamada Burundi ayaa sababay dhimashada sadexda qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haween, halka qofka kalena uu ahaa nin uu madfac kula dhacay warshad barafka sameysa oo ku taala degmada Dharkeynley.

 

Ciidamada Burundi ayaa waxay dagan yihiin Jaamacadii Ummadda ama Gaheyr, waxaana weerarkii xalay uu noqonayaa kii sadexaad oo lagu qaado tan iyo intii ay Muqdisho tageen.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this