Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo maanta magacaabay hanti-dhowraha cusub ee qaranka (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Ciise-Guutaale.jpeg?fit=2048%2C157

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa midka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu magacaabay Hanti-dhowra cusub, kaas oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha cusub ayaa waxaa loo magacaabay Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, kaas oo ay soo jeedisay in xilkan loo magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guutaale ayaa ah nin aqoonyahan ah, sidoo kalena ka soo shaqeeyay warbaahino kala duwan, isaga oo ahaa agaasimaha Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaas oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo gudbiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay isla Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka hadlay ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyn wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyada oo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

328692302_512179570985400_67383963724834 328786641_5968811246548160_1974960862846 330143928_8630460870360394_4898153703050 328623058_1114490942581109_4778805560256 328629707_517898740242888_49762446232875 328631914_1358782254922084_3319145426890 328637328_713609653567991_69901954276909 328678525_944344593217500_71964587049205

The post Golaha wasiirada oo maanta magacaabay hanti-dhowraha cusub ee qaranka (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this