Sign in to follow this  
General Duke

Villa Somalia : President, PM Speaker meet

Recommended Posts

Muqdisho: Sadex Masuul ee ugu sareeya dalka Soomaaliya oo Vila Soomaaliya ku kulmay.

 

18. juli 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Sadex masuul ee ugu sareysa Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kulan ku yeesheen xarunta Vila Soomaaliya oo ah halka looga taliyo wadanka Soomaaliya.

 

Kulankaan dhexmaray Madaxweynaha dawlad Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed,raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa mid Saxaafada loo diiday.

 

Waxyaabaha ay ka wada hadleen masuuliyiintan ayaa warar ku dhow dhow kulankaan sheegayaa in ay ka mid yihiin shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaalida oo bari markale ka furmaya Muqdisho,arimaha amaanka ee caasumada Soomaaliya iyo hawlaha dawlada Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ka socda.

 

Madaxda ayaa lasheegay in ay si weyn uga wada hadleen waxyaabaha dawlada Soomaaliya kaga soo aadaya shirka Muqdisho iyo sidii loo sugi lahaa amaanka goobta shirku ka socda oo ah xaruntii Gaadiidka Booliska gobalka Banaadir.

 

Shirka Dibu heshiisiinta oo ay dawlada Soomaaliya qabsoomidaasi dadaal dhee ugashay ayaa wuxuu haatan mar kale maalinta beri ah ka furmayaa caasumada Soomaaliya ee Muqdisho,waxyaabaha looga wada hadlayo ayaan la aqoon ilaa iyo hada.

 

Madaxweynaha C/laahi Yuusuf ,Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aaden Maxamuud Nuur ayaa waxa ay is weydaarsadeen hadalo ku aadan xaaladaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

 

Amaanka Caasumada Soomaaliya oo siweyn looga wada hadlay ayaa waxa ay Madaxda dawlada Soomaaliya ,isku raaceen in kor loo qaado hawlgallada ay wadaan ciidamada dawlada Soomaaliya ayadoo magaalada Muqdishana ay maanta ka dhaceen hawlgallo kala duwan.

 

Kulankaan oo aysan Saxaafada cidna uga waramin ayaa waxaa lasheegay in uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan sida ay AllPuntland usheegeen saraakiil ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seddexda mas’uul ee DFKMG oo maanta ka wada Hadley arimo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta

 

Jamaal Cismaan

______

Muqdisho, July 18, 2007 (WDN) - Madaxweynaha DFKMG Md.C/laahi Yuusuf Axmed ,R/wasaare Md. Geeddi iyo Gudoomiyha Barlamanka KMG Md. Sheikh Aadan Madoobe, ayaa saakay Kulan 3 geesood ah ku yeeshay xarunta Villa-Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi oo albaabada u xirnaa, ayaa ilo muhim ah oo ku dhaw dhow shirkaasi waxa ay sheegeen in kulanka 3da mas’uul looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin nabad-galyada caasimada, shirka dib’uheshiisinta Beelaha iyo Cabashada Mushahar la’aanta xubnaha Baarlamanka KMG.

 

Sidoo kale kulankaasi ayaa la sheegay in looga hadlay Deeqdii lacagta ee uu Ra’iisul Wasaare Geeddi ka soo qaaday dalka Sacuudiga oo dhawaan uu boqosho ku tagay.

 

Dhinaca kale qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta mar kale ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

labo qof oo mid ka mid ah uu yahay ciidamada Dowladda Kmg ayaa ku geeriyooday, 7 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray 2 qarax oo saakay ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo isgoosyka Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

 

Qarax 1aad ayaa laga maqlay gudaha suuqa Bakaaraha qeybta daawada,halkaasi oo uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada Dowladda Kmg oo bam gacmeed lagu tuuray. Waxaana halkaasi ku dhaawacmay 4 ruux oo rayid ah, oo qaarkood ay haleeshey rasaastii ay ciidamada dowladda rideen qaraxa ka dib.

 

Qofka 2aad ee ayaa ku geeriyooday rasaas ay fureen ciidamada Dowlada Kmg ka dib qaraxa bamka.

 

Qarax kale oo ka dhacay isgosyka Baar-Ubax waxaa ku dhaawacmay 3 ka tirsan ciidamada Dowladda Kmg oo watay Gaari yar, iyadoo lagu weeraray Bam gacmeed xili suuqa Baar-Ubax ay qaad ka iibsanayeen, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

 

Dhinaca kale qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa bakaaraha ayaa Ku edeeyay ciidamada Dowladda Kmg inay dhac ka geesteen Suuqa sarifka Doolar, isla markaana maanta xireen gabi ahaan Howlihii ganacsiga suuqaasi.

 

Ganacsarada qaar ayaa billaabey in ay ka guuraan suuqaasi iyagoo goobo gancsi ka furanaya deegaanada Suuq Bacaad, Xamar Weyne iyo Madiina.

 

Jamaal Cismaan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Cosmetic meeting. Since none of them determines the policy of rule in Somalia, their meeting is utterly irrelevant. It is clear their master has arranged for this meeting to show that his subjects are friends, but after the end of the meeting it is back to the usual.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this