Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UNKNOWN MILITARY PLANE ARRIVED BERBERA

Recommended Posts

Hargeysa(QARAN)- Diyaarad aan si rasmi ah loo aqoonsan balse lagu

tilmaamay inay ahayd mid Milatari ayaa waaberigii shalay cago dhigatay

Madaarka Berbera, iyada oo halkaas ku dejisay qalab ay siday.

Sida ay dad goob joog ahaa Geeska Afrika u sheegeen Diyaaradan oo markii

ay Madaarka soo cago dhigatay aanay cidi hagayn, waxa Madaarka ku

sugayay Saraakiil ka tirsan Hay'ada Sirdoonka Qaranka oo uu

hoggaaminayay Taliyaha Hay'adda Sirddoonka Qaranka Md. Xuseen Xasan

Guuleed (Xuseen Kenyati), Taliye ku xigeenka hay'adaasi Mr. Cismaan

Maxamed Samatar (Cismaan-liimo), Saraakiil ka socotay xafiiska gobolka

Saaxil ee hay'adda Sirdoonka Qaranka iyo dhawr nin oo Ajaanib ah oo

Hargeysa kala guureeyay saraakiisha sare ee hay'adda Sirddoonka Qaranka.

Sida ay dadkaas goob joog ahi Geeska Afrika u sheegeen, xilliga ay

diyaaradu soo cago dhigatay madaarka may joogin shaqaalaha diyaaradda

haga, waxaana laga dejiyay Qalab culus oo lagu deday shiraac, kaas oo

markii dambena la saaray gaadhi ah nooca loo yaqaan Shaamboo Xayraanka.

Dadka goob joog ahi may cadayn nooca ay alaabtaasi ahayd. Hase yeeshe

waxa ay sheegeen in diyaaradu Madaarka ka duushay abaaro 6:15 subaxnimo

ee shalay, xiligaas oo ay soo shaqo tageen kuwii u horeeyay ee ka mid ah

shaqaalaha ka hawl gala garoonkaas.. Waxa kale oo ay dadkaas goob jooga

ahaa sheegeen inay diyaaradu u muuqatay inay ka soo kacday Madaarada

Addis-Ababa ama Djibouti, balse ilaa hadda lama cadayn dalka lahaa. Hase

yeeshe waxa jira warar sheegaya in diyaaradu ka mid tahay diyaaradaha

Milatariga ee dalka Ingiriiska.

Inkasta oo aanay xukuumadda Somaliland war rasmi ah ka soo saarin

diyaaradaas guuro galka ku timid Madaarka Berbera iyo qalabka ay siday

toona, haddana waxa ay ahayd mid xukuumadu ka war qabtay imaanshaheeda.

Galabnimadii Axadii ayaa shaqaalaha Garoonka Berbera lagu wargeliyay

inay imanayso diyaarad qalab u sida dawladda, balse lama sheegin

qalabkaasi waxa uu ahaa.

Sida ay dadkaas goob jooga ahi sheegeen, ma jirin cid u dhawaatay

diyaaradda, waxaanay fadhiday badhtamaha garoonka, iyada oo aan iman

goobta loogu tallo galay diyaaradaha garoonka fadhiya ee xamuulka laga

rogayo ama lagu qaadayo.

Dhinaca kale diyaarado guuxoodu argagax geliyey dadweynaha ayaa shalay

ilaa habeen hore ku dul wareegey magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka

Sanaag.

Diyaaradahan oo loo malaynayo inay isku nooc yihiin kuwo hore loogu

arkay hawada magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxa la sheegay inay joog

hoose ku duulayeen, muddo saacado ahna ay ku dulmeerayeen magaalada iyo

hareeraheeda.

Lama garanayo diyaaradahaasi meesha ay ka soo kaceen, cidda leh iyo

ujeedadooda midna. Waxaase la filayaa in diyaaraddaas uu leeyahay

ciidanka Maraykanka ee la dagaalanka Argagixisada u fadhiya Jabuuti,

kuwaas oo ilaaliya Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Diyaaradaha Maraykanku waxa ay dhowaan duqeeyeen xeebaha

maamul-goboleedka Puntland, meel lagu magacaabo Baargaal, halkaas oo la

sheegay in lagu arkay koox wadaaddo ah oo la sheegay inay isku

urursanayeen.

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^What could be the cargo? Besides, why these Jet Fighters are circling around that region lately? Something is going on but only time will tell...!

 

JB, enlighten us brov since you are there, tell us warka fadhi ku dirirka?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

If there was a real government in Somalia as we used to have many years ago, our airspace would have got the respect of dowladnimo, but since they know that there is no government at all in Somalia, they can do whatever they want, land or circle wherever they want!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

The ongoing survilance over somaliland towns shows that there is something sinister. Now that there have been reported arrest of some wadaads in Sanaag and this landing of Mysterious plane. Could we say that the Trade of selling the clerics to rendition destinations have started in Hargeysa? Yaa MR. JB?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhubbad, the fadhi ku dirir is confused and cannot add any extra info into the issue ...

 

 

Xargaga, there is no selling and the arrest of 2 wadaads in Sanaag doesn't have any connection with the plance ,,,, it is a cargo one with unknown equipments not a passenger one ,, they could go directly to Erigavo if they want those wadaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I told you before JB that the suspension of EA flights to Somaliland had a sinister motive. Your admin will soon get on the program :D and you will have to defend the indefensible adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa markaad cadan ka heesi jirtay ,,,, meesha argagixiso lagamaba sheekaynayo awoowo.

 

diyaarad meel soo fadhiisatay oo qalab siday aaan la garanaynin baa laga hadlayaa ..

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Strange goings on lately. SL about be an official partner in the war against terror? You heard it here first,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

That's you being green yaa jb! diyaarad aan sumad lahayn oo qalab wadda oo masaluuyiinta meesha ay ka degeyso soo dhaweeyaan is how this program operates.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TAARIIKHDU MARKAY AHAYD BISHAN JUNE 25, 2007 SAACADUNA AHAYD 4.30MP EE HABEENIMO WAXAA GAROONKA DIYAARADAHA CAALAMIGA AH EE BERBERA SOO FADHIISATAY DIYAARAD WAYN

TAAS OO FAJAC IYO AMAKAAG KU RIDAY DHAMAAN LAAMAHA MAAMULKA EE GAROONKA KUWAAS OON WAXBA KALA SOCON IMAANSHAHA DIYAARADAAS HASE YEESHEE KU WAR HELAY GUUXA DIYAARADA IYO DHAQDHAQAAQA CIIDANKA SIRDOONKA MADAXTOOYADA OO INTAAN DIYAARADU SOO CAGO DHIGAN HORTEED KAGA HOR TEGAY GOOB CAYIMAN OO KA MIDA RUN WAYGA KANA FOG TAAWARADA IYO XAFIISYADA LAGA HAGO DIYAARADAHA SOO DEGAYA IYO KUWA DUULAYA GOOBTAAS OO AHAYD MEEL KA DURUGSAN HALKA LOOGU TALAGALAY IN LAGU BAARKIN GAREEYO DIYAARADAHA SOO DEGA

 

DIYAARADAN OO ILO XOGOGAAL AH KU SHEEGEEN IN AY AHAYD NOOCA AY ISTICMAALAAN CIIDAMADA MARAYKANKU AYAA WAXAY KU SOO DEGTAY DHABAHA GAROONKA XILI AANAY JIRIN WAX JABAQ AH OO DADKA BADANKIISUNA HURDO DHULKUNA MUGDI YAHAY OO XATAA DAYAXII IYO XIDIGIHIIBA DAATEEN KUNA BEEGAN XILIGA EEDAANKA SALAADA SUBAX WAQTIGA BERBERA WAXAA KALE OO WAQTIGAAS DHACAYSAY DABAYL XAGAA AAD U XOOG BADAN OO SI TOOS AH U HIRDIYEYSAY MOWJADAHA BADDA, MAADAABA GAROONKU KU YAALO BADDA XEELIGEEDA.

 

HADAL IYO DHAMAAN MA CADDA WAXA DIYAARADANI WADAY IYO WAXAY QAADAY TOONA WAXAANA JIRA WARAR IS KHILAAFSAN OO KA SOO BAXA, OO AY ADAGTAY SIDA XAQIIQADOODA LAGU OGAADAA MAADAABA GAROONKU MARKA HOREBA KA DURUGSAN YAHAY MAGAALADA MASAAFO DHAN 15 KM Iyo IYANA XILIGA DIYAARADANI KU SOO BEEGTAY.

 

WAXAASE WARARKA SOOYAALNEWS SOO GAADHAYAA XAQIIJINAYAAN IN DIYAARADU MARKAY SOO CAGO DHIGAY GAROONKA AY HALKAAS DIYAAR UGU SII AHAAYEEN CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA SIRDOONKA MADAXTOOYADA KUWAAS OO KULA KULMAY GOOB CAYIMAN OO KA DURUGSAN TAAWARKA DIYAARADAHA LAGA HAGO KANA FOG GOOBAHA AY ISTICMAALAAN DIYAARADAHA AY LEEYIHIIN SHIRIKADAHA GANACSIGA EE GAROONKA KU SOO DEGA

WAXAANA LA SHEEGAY IN DIYAARADA ALBAABADA LOO FURAY HALKAASNA UU KA SOCDAY DHAQDHAQAAQ QAATAY IN KA BADAN 1:30 AAKHIRKIINA DIYAARADII WAXAY KA DUUSHAY GAROONKA ABAARO 6: 00 EE SUBAXNIMO IYADOO FULISAY HAWSHII AY U SOCOTAY

 

WARARKA QAAR WAXAY SHEEGAYAAN IN DIYAARADU HALKAAS KU ROGTAY HUB IYO SAANAD KALE OO MILITARY WARAR KALENA WAXAY SHEEGAYAAN IN DIYAARADU HALKAAS KA QAATAY DAD MAXAABIIS AH ISKU SOO WADA DUUBOO MA CADA WAXA HAWGALKA DIYAARADANI KU AADANAA MANA JIRTO WAX WARA OO KA SOO BAXAY DHANKA XUKUUMADA SOMALILAND OO KU SAABSAN SABABTA DIYAARADANI U SOO CAGO DHIGATAY GAROONKA BERBERA.

 

GAROONKA DIYAARADA BERBERA WAXAA DHISAY DAWLADII MIDAWGII SOOFIYEETI WUXUUNA AHAA SALDHIG AY ISTICMAALAAN CIIDAMADII CIRKA EE DAWLADII MIDAGGA SOOFIYEETI WIXII KA HOREEYEY 1978 XILIGAAS OO UU XUMAADAY XIDHIIHKA U DHEXEEYA DAWLADIII MIDAWGA SOOFIYEETI IYO DAWLADII KACAANKA AHAYD EE SIYAAD BARRE HOGAAMINAYEY INTII WAQTIGAAS KA DANBAYSAYNA WAXAA DAYACTIR IYO DIBU HABAYN KU SAMEEYEY CIIDANKA CIRKA EE DAWLADA MARAYKANKA WUXUUNA AHAA SALDHIG AY ISTICMAALAAN CIIDAMADA CIRKA EE MARAYKANKU HASE YEESHEE WIXII KA DANBEEYEY BURBURKII XUKUUMADII SIYAAD BARE GAROONKA DIYAARADA WAXAA GACANTA KU HAYSTAY XUKUUMADA SOMALILAND WAXAANA BADANAA ISTICMAALI JIRAY SHIRIKADA DIYAARADAHA EE WADANIGA AH

 

INKASTOO GAROONKANI YAHAY MIDKA UGU DHEER QAARADA AFRIKA KAAS OO DHERERKIISA LAGU QIYAASO INUU KU DHAWDHAW YAHAY 5KM BALACIISUNA YAHAY 30M HADANA WAXAA KA MUUQDA BAYLAH BADAN WAXAA IYANA JIRTA DAWLADA MARAYKANKA OO HADA DAGAAL KULA JIRTA WAXAY UGU YEERTO ARGAGIXISADA CAALAMIGA AH INAY AAD U DANAYNAYSO ISTICMAALKA GAROONKAN WAXAANA LA SHEEGAY IN ARINTAN DHAWR JEER KALA SOO XIDHIIDHAY XUKUUMADA SOMALILAND INKASTOO AAN LABADA DHINAC MIDNA DHANKIISA WAX WAR AHI KA SOO BIXIN

 

 

SOOYAALNEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

ferry ferry strange stuff...

 

whatever it has loaded must be made public....unless it endagers national security i dont see why it must remain secret plus anything that involves american millitarry planes, middle of the night and CID must be shaddy business... :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this