Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool oo sheegay in Somaliland xaquuq ka samaysay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675917911332.jpg?resize=720%2C44

Guddoomiye ku xigeenkii Somaliland u qaabilsanaa Gobolka Sool oo dhawaan la magacaabay Saleebaan Diiriye Cabdi Ibraahim ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood.

Guddoomiye Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland xaquuq ka samaysay magaalada kadib markii madaafiic lagu garaacay.

Saleebaan ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka Somaliland faafisay ee ku saabsan in argagixiso laga saarayo Laascaanood waxaana uu sheegay in shacabkii degaanka la xasuuqayo.

“Waxa aan caddaynayaa in dadkii la xasuuqayo oo ruux nool, neef xoola ah iyo guryaha isku si’ loo beegsanayo, ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya SL iyo dadkii deegaanka, anna dagaalka ayaan ku biirayaa, xalki waa in Muuse la baxo ciidankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye.

Saleebaan ayaa ugu danbayn shaaciyay in uu isaga baxay maamulka Somaliland waxaana uu Taliska Muuse Biixi ugu baaqay in uu ciidamadiisa la baxo.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool oo sheegay in Somaliland xaquuq ka samaysay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this