Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh iyo dhigiisa Talyaaniga?

Recommended Posts

Deeq A.   
329938902_1236686027226853_7349381385582

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf kaga qaatay ilaalada Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga uu hoggaaminayo ee Soomaaliya, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaas ku soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran oo ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka Caalamka.

Hoos ka eeg Video + Sawirro

329938902_1236686027226853_7349381385582 329321642_572603074777646_87794022264676 328270734_565415712295922_79463703027188 328261691_575797904437998_73267782797604 329526607_905843007129211_30736634088525 330153307_1164584417587992_6700318492598 328265578_720500512900496_73049761430106 329938902_1236686027226853_7349381385582

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh iyo dhigiisa Talyaaniga? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this