Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Shekeh oo dhowaan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa shalay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ugu tagay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadoow, kaasi oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xoghayaha joogtada iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan ayaa waxa labada masuul ku wehlinayay agaasimaha habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda arrimaha dibadda Mustaf Aadan Dagaal iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

321655496_3315970208657779_7336657738673329753434_885224016015824_88689549913871  327552517_1181583949388164_5397938595116 329671709_850766745989408_30603787502093 329682476_934680514357644_74115996884267 329757948_905295647291668_75607854794796

The post Qatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Shekeh oo dhowaan… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this