Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somalia sends defence chiefs to Djibouti meetings

Recommended Posts

DF oo wafdi u dirtay Jabuti

15 Aug 15, 2008 - 7:47:59 AM

 

Gudiyo isugu jira amaanka iyo siyaasada uga qaybgalaya DF shirka Jabuuti ayaa maanta ka dhoofay garoonka Muqdisho, waxaana xubnahaan isku-dhafan hogaaminaya ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warfafinta ee Somalia Axmed C/salaan Aadan.

 

Wafdigaan ayaa u matali doona dowlada Somalia shir looga hadlayo keenista ciidamo ka socda UN-ka, halka ay dagi doonaan iyo howlaha ay qaban doonaan, iyadoo shirkaas ay dhanka Isbahaysiga [ARS] uga qaybgeli doonaan laba gudi oo noocan oo kale ah.

 

Axmed C/salaan oo saxaafada qaarkeed kula hadlay taleefoonka intii uusan ka duulin Muqdisho ayaa sheegay inuu sii marayo Baydhabo, halkaasna ay ka raaci doonaan xildhibaano ku wehlin doona safarkooda Jabuuti.

 

Wafigan ka socda DF ayaa waxaa ka mid ah saraakiisha ugu sareeya ciidamada dowlada, kuwaasoo kala ah: Taliyaha Milateriga Siciid Dheere, Taliyaha Boliiska Cabdi Xasan Cawaale [Qaydiid], Taliyaha Nabadsugida Maxamed Warsame Darwiish iyo Taliyaha Asluubta C/llaahi Macallin Cali.

 

Sarakiishan ayaa waxaa la sheegay inay ku matalayan shirka gudiga amaanka, iyadoo xubnaha kale ee isugu jira wasiirada iyo xildhibanadu ay iyaguna shirka uga qaybgalayaan gudi siyaasdeed.

 

Xoghayaha wafaafinta ee Isbahaysiga [ARS] Saleebaan Colaad Rooble oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay socdaan qabanqaabooyinka qabsoomida shirka beri ay isugu imaanayaan DF iyo Isbahayisga mucaaradka.

 

Saleebaan, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xubnaha dhankooda uga qaybgalaya shirka, wuxuuse sheegay inay diyaar yihiin oo ay maalinta beri ah la fariisan doonaan gudiga ka socda dhanka dowlada Somalia.

 

Ergayga UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa lagu wadaa inuu isaguna maalinta beri ah gaaro dalka Jabuuti, si uu uga qaybgalo kulanka, iyadoo xubno ka socda caalamka ay iyaguna ku qulqulayaan dalka Jabuuti.

 

Marka la gabgabeeyo shirkaan ayaa lagu wadaa in dhinacyadu ay u ambabaxaan dalka Saudi Arabia si ay u saxiixaan qodobadii lagu gaaray heshiiskii Jabuuti [June 9, 2008] dalka Jabuuti, kuwaasoo gaaraya 11-qodob.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Adis-Ababa iyo Jabuuti oo ay maanta u dhoofeen Wafdiyo Sare oo ka socda Dawlada Soomaaliya

15. august 2008

 

Muqdisho (AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Muddane Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo uuna ka mid yahay Raysal-wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Muddane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ka dhafooy garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Wafdiga dawlada Soomaaliya ayaa kusii jeeda magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku tagayaan casuumad ay ka heleen madaxda Midowga Afrika iyo kuwa dawlada Itoobiya.

 

Dhinac kalana wafdi ka socda dawlada Soomaaliya oo ay ku jiraan saraakiisha xagga amaanka Dawlada Soomaaliya ayaa u kicitimay dalka Jabuuti, wafdigaan oo ay xubno ka yihiin taliyayaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska iyo Nabadsugida waxaa horkacayay Raysal wasaare xigaha ahna wasiirka Warfaafinta dawlada Soomaliya Axmed Cabdisalaam.

 

Wafdiga ayaa Jabuuti u tagaya ka qaybgalka kulan dhex mari doona mucaaradka dawlada Soomaaliya iyo dawlada, kulanka labada dhinac ayaa lagu lafagurayaa hirgalinta heshiiskii labada dhinac, siiba arimaha la xiriira amaanka iyo xabad joojinta.

 

Guhaad iyo Yuu

AllPuntland, Xarunta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

I was reading somewhere in the Somali news portals that the head of police A. Qaybdiid, the head of the TFG Army Said Dheere and the head of the National Security Darwiish went to Djibouti for meeting with the opposition... How is this gona play out, perhaps a fight or muscle display in Dj, or are they going to round up and upprehend all the oppostion :D

 

Whats with the story Duke, why not diplomates and send the heads of National forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I think this is because they are going to discuss the security situation, ceasefire and so on.

 

On the political side Ministers whats left of them and MP's are going.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^They are needed and must be there, Emperor!

 

We are getting to the gritty stuff of Somali conflict: how to implement a cease-fire in a conflict zone, and for that these men as well as the Ethiopian generals are needed and must be onboard with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If we can get a ceasefire, everything will change insha Allah for the better. the country has a great latent energy, people want to work and live better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this