Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo lagu wareejinayo Furaha Hagidda Duulimaadyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
9617446f-b0fb-4bb3-a2a1-d070659dfb40-696

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr. Kamil Al-Awadhi.

Shirka ayaa dhinacyadu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya oo markii hore aysan heysan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa sheegay in heshiiskan Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya uu yahay mid miro-dhal ah oo muhiim ah hawada iyo duulimaadyada Soomaliya.

Kulanka ayaa dhan kale looga hadlay xoojinta iskaashiga hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA iyo hey’adda duullista rayidka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla meeldhigay in la soo celiyo mataalada iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA.

Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr.Kamil Al-Awadhi oo ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee Soomaaliya ka gaartay dhanka hawada gaar ahaan in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wareegto heerka ugu sareeya ee qiimeynta Caalamiga ah ayaa sheegay in heshiiskaan uu isku soo dhaweynayo Soomaaliya iyo hey’adda IATA.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ugu guuleysatay inay u wareegto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka (Class A), taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sareysay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo lagu wareejinayo Furaha Hagidda Duulimaadyada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this