Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo xalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ragga hubeysan weerareen bar-koontorool oo ku taalla, halkaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga weerarka soo qaaday la toogtay, laba kalena ay baxsadeen.

“Ciidanka Booliska Qeybta guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Qeybta Bari ayaa gordhaweyd oo toogtay Mid kamid ah Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab Kadib Markii isaga iyo labo kale oo Argagaxisada kawada tirsan ay weerar kusoo qaadeen Bar Kontorool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin Degmada Heliwaa gaar ahaan xaafada suuqa Xoolaha” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Booliska intaais ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay hubeysnayaa, isla-markaana gacanta lagu dhigay qoray RBG ah oo uu watay ninka la toogtay.

Booliska ayaa sidoo kale in haatan ay ku daba jiraan xubnaha kale ee baxsaday, kadib dagaalka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee Ciidanku ku sugayaan ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan Ciidanka Booliska, hasa ahaatii Ciidanka ayaa mid kamid tootay, dhagar qabaha la toogtay ayaana watay Qoriga RBG oo haatan ay la wareegeen Ciidanku. Sidookale Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga labadii kale ee la socotay Argagixiyaha ayaa la tooktay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo aad u korday maalmihii u dambeeyay.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa waday howlgallo joogta ah oo looga hortagyo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

 

The post Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this