Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda duleedka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus ayaa maalintii labaad ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada difaaca Daraawiishta SSC ayaa sida la xaqiijinayo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya.

Wararka ayaa sheegaya in hadda dagaalka ugu xooggan ka socdo hareeraha Taliska Gooja-cadde halkaas oo laga maqlayo hubka culus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhammaan saraakiishi degaanka u dhashay ee hore ula socday Somaliland ay ku biireen dhanka xoogagga SSC.

S/Guuto Mahad Canbaashe oo kamid ahaa saraakiisha u dhashay degaanka ayaa u danbeeyay oo sida la sheegayo saaka ku biiray safka Daraawiishta.

Khasaaraha dagaalka labada dhinac  ee saaka weli faahfaahin sugan lagama hayo islamarkaana dhinacna khasaaraha kama hadlin.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this