Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo aqoonsigooda ka gudoomay safiirada Turkey iyo laba dal oo kale + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxeweynuhu kaga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is-dul taagay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

Dhul-gariir galaaftay nolosha kumanaan qof ayaa ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda Soomaaliya ku jirtay dowladaha ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey musiibadaas.

Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah dowladaha Turkiga iyo Thailand oo laba ka mid ah safiirradaan ay ka socdeen, halka Burundi ay ciidamo ka joogaan dalkeenna, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

329681484_3413685325569520_5929932248038 safiirka-turkiga-ee-soomaaliya.jpg?resiz 329583034_3487185141552471_6007224318607 329687403_867907887814672_25616623161659 320845340_1426208084783381_7952096215336 329712474_753735912656394_15076774938726 329367094_1245200533018689_7408669730518 329688158_1637524883373576_5774638922965 329694545_928822071464081_28785324323456 xasan-sheekh-iyo-safiirka-turkiga.jpgq_. xasan-sheekh-iyo-safiirka-turkiga.jpg?re xasan-iyo-safiirada.jpg?resize=696%2C464 329613303_1309933869736489_9791346498255 329528176_3451845768370468_4170631734065 329520589_1282929289302725_3492970698739

The post Xasan oo aqoonsigooda ka gudoomay safiirada Turkey iyo laba dal oo kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this