Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaadhay dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaaalamaya.

Mas’uuliyiinta cisbitaalka Laascaanood ayaa sheegay inay iska horimaadkan ku dhinteen 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ala sheegayaa inay jiraan dhaawacyo.

Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinayso ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo ku sugan hoygooda uu haleelay mid kamid ah madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamaya, iyo askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada u ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub oo isaguna ku geeriyooday dagaalka.

Dhan kale Xukuumadda Somaliland, golleyaasha guurtida iyo wakiillada, xisbiyadda mucaaridka ah ayaa dhammaantood ku baaqay in xabada la joojiyo oo la isku yimaado miiska wada-hadalka Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this