Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ugu baaqday dowladda Puntland inay difaacdo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Wararka PP) — Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarka ciidanka Somaliland ku soo qaadeen magaalada Laascaanood oo uu ka socday shir madax-dhaqameedka SSC uga tashanayeen aayahooda.

20230206_184125.jpg?resize=357%2C388&ssl

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay canbaaraynaysaa weerarkii qaawanaa ee maamulka Somaliland saaka ku soo qaadeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madashu waxay soo dhaweynaysaa si buuxdana u taageersantahay go’aamada ay soo saareen isimada, cuqaasha iyo waxgaradka SSC-Khatumo iyo guddigii farsmo ee ay magacaabeen kuwaas oo soo saaray go’aamo ay u dhanyihiin. Sidoo kale waxaa ay madashu ugu baqaysaa hoggaanka Puntland in uu guto wajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta badqabka shacabka SSC-Khatumo” ayay Madashu ku caddaysay warsaxaafadeedka.

Saaka ayay ciidanka Somaliland soo weerareen Laascaanood si ay u carqaladeeyaan warmurtiyeedka ay soo saareen madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo oo ku shirsanaa magaalada.

IMG-20230206-WA0001.jpg?resize=802%2C102

© Puntland Post, 2023

The post Madasha Siyaasadda Puntland oo ugu baaqday dowladda Puntland inay difaacdo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this