Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka iyo DF oo qaadeysa tallaabo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyayaasha-ciidamada.jpeg?fit=2048%2C1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka, xilli dowladda ay sii xoojineyso dagaalka saddexda jiho ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabad-sugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howl-galada lagu cirib-tirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasillinta deegaanada la xoreeyey kooxda, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa sidoo kale kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maal-gelinta argagixisada.

Waxay la wadaagtay Golaha in la xiray akoonno bangi oo hor leh, oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taasi oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaalamo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay.

Sidoo kale waxa uu faray dhamaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan xarunta warbixinnada Maaliyadeed (FRC). Wuxuuna ra’iisul wasaaruhu uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo R/Wasaare Xamza ayaa ahmiyadda koowaad siinaysa dib-u-xoraynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, ayada oo dagaalkana ka wada jihooyin dhowr ah oo ay qeyb ka tahay wiiqida dhaqaale ee kooxaha argagixisada.
shirka-amniga.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Xamza.jpeg?resize=696%2C474&ssl=1 329186697_968292134538609_58841883905667 Taliyayaasha-ciidamada.jpeg?resize=696%2 Fiqi.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Jaamac.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 329148850_1602674690161729_6065248024819 XAmza-2.jpeg?resize=696%2C503&ssl=1 Mahad-Salaad.jpeg?resize=696%2C548&ssl=1 Odowaa.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Sulub.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 329400964_1509292106226296_5726599984402 322101274_579464534069670_41817640731291

The post R/W Xamza oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka iyo DF oo qaadeysa tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this