Sign in to follow this  
Deeq A.

War-Saxaafadeed: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si adag uga hadlay Dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe: 06 Feb 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaam Karaash oo ku hadlaya Magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo wax garadka kale ee deegaanada SSC.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo  waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay.

Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas”.

                     DHAMMAAD

The post War-Saxaafadeed: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si adag uga hadlay Dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this