Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo Guddoomiye cusub loo magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1.   Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo Guddoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this