Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Hay’asaha Amniga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675679990472.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxahaas.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku  tiirsan tahay. Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Hay’asaha Amniga dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this