Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhulgariir ka dhacay dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftey koofurta dalka Turkiga meel u dhow Gaziantep sida ay sheegtey hay’adda arrimaha dhulka Maraykanka. Dhulgariirkan ayaa dhacay 4:17 daqiiqo ee saaka ka hor waaberigii.

ku dhawaad 18 Km dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirkani.

Dhulgariir kale oo xigey ayaa isna cabbirkiisu ahaa 6.7 waxaana uu ka dhacay meel u dhow isla goobtii hore.

Saraakiisha Turkiga ayaan wali sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, balse muuqaalo la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaayey dhismayaal bur burey dhowr magaalo oo ku taala koofur Bari dalka Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Dhulgariir ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this