Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee xaaladda ka taagan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guulaystay in magaalada Garoowe laga saaro ciidamo xalay soo galay.

Ciidamadan oo diidan barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod ayaa xalay la wareegay qayba kamid ah magaalada.

Rasaas goos goos ah ayaa gelinkii danbe ee xalay ilaa saaka laga maqlay magaalada Garoowe gaar ahaanna nawaaxiga jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo qorsheeyay diiwaan-gelinta.

Wararka ayaa xaqiijinaya in rasaastaas ay dhexmaraysay ciidamada diidan barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta.

Dhinaca kale waxa socda wada-hadal u dhexeeya labada dhinac oo ay gar-wadeen ka yihiin odayaasha waxgaradka islamarkaana weli wax natiijo ah kama soo bixin.

The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda ka taagan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this