Sign in to follow this  
Deeq A.

Israsaaseyn ka dhalatay muran diiwaangelin doorasho oo ka dhacday Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, ayaa sheegaya in israsaseyn ay ka socoto qaar kamid ah goobaha loo qorsheyay in ay ka dhacdo isdiiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah ee Puntland.

Israsaaseynta ayaa u dhaxeysa ciidamada diidan diiwaangelinta iyo kuwa taabacsan doorashada, waxaana ciidamada oo ismaandhaafay ay sababtay in ay rasaas isku adeegsadaan.

Rasaasta ayaa laga maqyalaya agagaarka jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool, kuwaas oo kamid ah goobaha ay Puntland u qorsheysay in ay ka dhacdo isdiiwaangelinta doorashada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this