Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoog leh Oo saaka waaberigii ka bilaabmay magaalada Laascanood.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Dagaal xoog leh ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay magaalada Laascanood.

Saraakiil ka tirsan xukuumada ayaa sheegay in dagaal uu ka bilaabmay magaalada Laascaanood ka dib markiin ciidan ay leeyihiin dadka deegaanku weerar ku qaadeen xero milatariga Somaliland ku leeyay meel u dhaw buurta Sayidka.

Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, laakiin lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay.

 Dhan kale war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi sida tan: “saaka  subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada  Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad  diidka ah ee ku sugan Magaalada.

Kooxa weeraka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul,  wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this