Deeq A. Posted February 6, 2023 Alle qabriga haw nuuro marxuum xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo hargeisa ku geeriyooday. Xildhibaanka ayaa maalmihii u dambeeyay u jiifay dhaawac ay gaadhsiisay haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado oo ku qaraxday isaga iyo xubno qoyskiisaa. Waxaana hore ugu geeriyooday dhaawacaasi haantu sababtay laba dumara oo xaaskiisu ku jirtay halka weli dhaawac kalena jiro Alle haw booga dhayee. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites