Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo Saaka dhaq dhaqaaqyo xooggan ka bilaabay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Somaliland ayaa saaka dhaq dhaqaaq xooggan ka bilaabay Gobolka Sool sida ay xaqiijinayan xogaha dhinaca Amniga ah.

Ciidamada ku sugan Taliska Gooja-cadde iyo jiidda Tukaraq ayaa aroornimadii hore ee saaka la geliyay heegan buuxa waxaana sida la sheegayo ay wadaan dhaq dhaqaaq iyo diyaar-garow.

Duleedka magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale hadda laga maqlayaa rasaas culus inkastoo aan weli la xaqiijin dhinacyada ay u dhexayso

Somaliland ayaa dhinaca kale ciidamo geysay dhanka Dhoodida halkaas oo ay maalmahan ka samaysteen fariisimo ciidan.

Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli saaka lagu wado in go’aanno laga soo saaro shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ee ka socday Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Somaliland oo Saaka dhaq dhaqaaqyo xooggan ka bilaabay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this