Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Lagu Dilay Sarkaal Ciidan Oo Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdirashiid Cali Xiiray “Abeesa Dhuuni” oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in sarkalkan iyo askar kale oo ka soo baxay magaalada Boosaaso qarax lagula eegtay meel u dhow tuulada deegaanka Ceelaayo 00 30km u jirta magaalada Bosaso.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay dhimashadu waa laba qof oo uu sarkaalka ku jiro. Waxaa kaloo jira dhaawacyo la gaadhsiiyay cisbitaalada magaalada Boosaso.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaan sida ay ku sheegeen qoraal lagu faafiyay barahooda internetka.

Alshabaab waxa ay sidoo kale sheegteen inay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Durfuri oo hoostaga tuulada Ceelaayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this