Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Bankiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
329365047_863958694827856_32161962842928

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka qeybtiisa Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla markaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bankiga Adduunka waxay balan-qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya dowladda Soomaliya iyo Bankiga Addunka. Si gaar ah qeybaha ay danaynayso dowladda federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka ayey galabta Madaxweynaha ka balan-qaadeen madaxdaan.

Qeybaha ay Soomaaliya aad u daneyneyso in laga garab siiyo waxaa ka mid ah, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bankiga, kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Dhinaca kale, xubnahaan ay Victoria Kwakwa oo markii ugu horeysay timid Soomaaliya waxaa sidoo kale qaabilay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Kulan ay ku sheegeen xafiiskiisa waxaa looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Afhayeenka XFS Farxaan Jimcaale ayaa warbaahinta la wadaagay qodobadii uu R/Wasaaruhu kala hadlay wafdigaan:

329431669_3388164738104281_3593595290173 329365047_863958694827856_32161962842928 329016006_855782525484249_21218276638744 329526277_672696821320822_76518270930860

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Bankiga Adduunka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this