Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay degmada Ceel-afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16755892071032736.jpg?resize=720%

Shacabka degmada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta sameeyay mudaharaad ay uga soo horjeedaan Somaliland, kaddib markii ciidamada maamulkaas ay dileen qof rayid ah.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa qaarkood watay calanka buluuga ee Soomaaliya, iyagoo ku qalinayey in ay aysan doonayn ciidamada Soomaliland ee deegaanka ku sugan, kaddib dilal badan oo ay u gaysteen dad shacabka ah.

Ciidamada Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday mudaharaadayaasha, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Degmada Ceel-afweyn waxaa horay uga dhacay dilal ay geysteen ciidamada Somaliland, iyadoo xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato arrintaas.

FB_IMG_16755891954827784.jpg?resize=720% FB_IMG_16755891913014477.jpg?resize=720% FB_IMG_16755891995915472.jpg?resize=720% FB_IMG_16755913351680167.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Mudaharaad ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay degmada Ceel-afweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this