Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
20230205_040039.jpg?resize=720%2C404&ssl

War-murtiyeed ayaa ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka socday magaalada Baydhabo, waxaana heshiis gaaray dhinacyadii isku hayay doorashada maamulkaas.

Waxaa lagu heshiiyay in mudada u dhaxeysa Novembar 2023-ka ilaa Decembar 2023 la soo xulo xubnaha golaha wakiiladda ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dhinacyada ayaa ku heshiiyay in doorashada guddoonka golaha wakiilada iyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Gddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha, Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ee DFS ay dhaqan galineyso heshiiska.

FB_IMG_16755543106636004.jpg?resize=720% FB_IMG_1675554497960.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1675554501055.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this