Deeq A. Posted February 4, 2023 Garsoore ku sugan magaalada Miami ee Mareykanka ayaa Jimcihii ku xukumay 5 sanno oo xadhig ah jilaaga reer Mexico, Pablo Lyle oo nin dilay xilli uu ku jiray khalkhal dhanka waddooyinka ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Lyle ayey xeerbeegta Miami ku heshay dambi ah dil aan kas ahayn. Xeer ilaalinta ayaa codsatay jilaagan in lagu xukumo 15 sanno oo xadhig ah balse, iyadoo la tixgalinayo qodobada lagu fududeynayo kiiska, garsooraha ayaa ku xukumay 5 sanno oo xadhig ah, 8 sanno oo kor joogteyn ah iyo 100 saacadood oo shaqo bulsho ah. Xukunka 5-ta sanno ah, oo laga jaray bilihii Lyle uu xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu helay dambiga, waxaa racfaan laga qaadan karaa 30 maalmood gudahood. Kiiskan ayaa kasoo bilaabanaya march 2019, kadib markii jilaagu uu feedhay 63 jir lagu magacaabo Juan Ricardo Hernández intii lagu jiray qalalaasaha saxmadda gawaadhida, kaasoo maalmo ka dib isbitaal ugu dhintay dhaawac madaxa ah. Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo dhacday 2022, difaaca jilaaga ayaa sheegay in uu u dhaqmay si isdifaac ah, isaga oo u baqay naftiisa iyo tan qoyskiisa. Source Share this post Link to post Share on other sites