Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo warbixin la dhegaystay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675514207725.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Guddiga Dhismaha ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, oo Madaxweynuhu dhowaan ku dhawaaqay in sanadka inta ka hartay la gaarsiinayo magaalada Hadaaftimo.

Madaxweynaha ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixinta heerarka kala duwan ee dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo soo martay, meesha ay hadda marayso iyo baahiyaha ku gaadaaman. Wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida ay Isaga go’antahay in sanadka intuusan dhammaan Wadada la gaarsiiyo magaalada Hadaaftimo.

Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa waxaa la dhisay 30-kii Km ee ugu horeeyay oo Laami ah, waxaana hadda Bulshada Puntland Guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag ay siweyn usoo dhoweeyeen Go’aanka Madaxweynaha qaatay ee ah in Wadada la geeyo Hadaftimo inta sanadka ka hartay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh Arrintan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo warbixin la dhegaystay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this