Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo 10 sano kadib dib u furaysa Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xudduudka Mandhera ee ay Soomaaliya la wadaagto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xudduudka iyo la dagaallanka badeecooyinka Kontorobaanka ah.

Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xudduudka Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gabo-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera kadib ayaa sheegay in dib u furista xadka Soomaaliya ay wax badan ka baddali doonto ammaanka xudduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo ‘dhaqdhaqaaqyada argagixisada.’

Kenya ayaa xirtay dhammaan xudduudaha dhulka ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab, waxaana meelaha ka mid ah Mandheera, iyo sidoo kale kuwa Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Kenya oo 10 sano kadib dib u furaysa Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this