Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydadka muhaajiriin ka baxay Tunisia oo laga helay xeebaha Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo helay maydadka muhaarijiin ku dhintay badda Mediterranean-ka xilli ay doonayeen in ka talaabaan badda.

Hawlgalka ayay ciidamada ka sameeyeen xeebta Lampedusa waxaana ay ku so helen maydadka sideed ruux oo muhaajirin ah.

Dadka dhintay ayaa ka soo socdaalay dalka Tuunusiya, waxaana doonta ay ku saarnaayeen 42 ruux oo ay ku jiraan dadka dhintay.

Maydadka ayaa waxaa qayb ka ahaa saddex carruur ah oo ku geeriyooday gudaha doonta sida ay ciidamada ilaalada talyaaniga xaqiijiyeen.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this