Sign in to follow this  
General Duke

Mayor of Mogadishu 'Bakara is the heart of trouble

Recommended Posts

Gudoomiyaha gobolka banaadir oo wacad ku maray in talaabo ay ka shalaayaan laga qaado doono kooxaha suuqa bakaaraha fariisimada ku leh.

 

Maxamed cumar xabeeb maxamed dheere oo ah gudoomiyaha gobolka banaadir ahna quda magaalada muqdisho ayaa saaka warbixin kooban ka bixiyay weeraro qorshaysan oo xalay lagu qaaday meelo badan oo kamida magaalada muqdisho iyadoo xalay hoobiyayaal lagu garaacay madaxtooyada villa somalia oo fariisin u ah madaxwaynaha somalia.

 

Maxamed dheere wuxuu sheegay in xalay hoobiyayaasha goobta laga soo ridayay ay tahay suuqa bakaaraha ciidamada dawladuna ay talaabo laga shalaayo ka bixin doonaan falalkii dhacay xalay oo lagu bartilmaameedsanayay madaxtooyada.

 

Maxamed dheere ayaa sheegay inay marar badan digniin siiyeen ganacsatada suuqa bakaaraha inay iska soo saaraan kooxaha caadaystay inay kharbudaada sameeyaan balse taas laga waayay badalkeedana ay hoobiyaal ku soo garaaceen madaxtooyda isagoo sheegay inay natiijada ka soo baxda mireheeda guran doonaan.

 

Maxamed dheer oo ay hadaladiisa ka muuqatay caro saa id ah ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in la sii dhawrto suuqa bakaara iyo arimaha ka soconaya maadaama buu yiri oo noqday caluusha kooxaha wax rabsha dawladuna aysan ka waaban doonin dhamaan dadka suuqa bakaaraha ku nool iyo hantida taal toona.

 

Hadalada maxamed dheere ayaa ku soo aadaya xili hamaynkii xalay ahaa ilaa maanta ay magaalada muqdisho ka socdaan qaraxyo iyo hoobiyaal lala eeganayo xarumaha dawlada iyo kuwa kale ee muhiimkaa iyadoo saaka kaliya ilaa 8 qarax ay ka dheceen gudaha suuqa bakaaraha ciidamada dawladuna ay hada gudaha ugu jiraan suuqa bakaaraha.

 

 

Allmudug.org news Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Carpet bombed Mogadishu? Give us a break.

As for what you thought, the TFG always takes the opportunity to bring reason before it crushes its opponents. These people dont know reason they just kill and thus must be killed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this