Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay ku xigeenka Xoghayaha difaaca Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675398706116.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay ku xigeenka Xoghayaha difaaca Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this