Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Iran oo ku eedaysay Israel in ay soo weerartay dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iran ayaa ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul ahayd “isku-dayga fal gardarro ah”.

Dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen saddex diyaaradood oo ah, kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday goob lagu tababaro ciidamada, waxaana la toogtay lama ka mid ah, diyaaradahaas.

Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Iran oo ku eedaysay Israel in ay soo weerartay dalkeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this