Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Talyaaniga oo wafdi culus usoo diray Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
326460736_859182855293082_10693320120295

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego. 

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada. 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Talyaaniga oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay Villa Somalia.

Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub.
326460736_859182855293082_10693320120295 329035623_897725891379043_55255788469757 Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 328945522_5584043045051192_6048696956285 329090117_577161343984984_59681390001814 328947673_870809187468016_62521802848172

The post Sawirro: Talyaaniga oo wafdi culus usoo diray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this