Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska ciidanka Qaranka Somaliland Oo Lagu Qabtay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasibad ugu wayn ee dabaaldega Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka ka qabsoontay magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sanad guurada 29aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka,  ayaa saaka lagu qabtay Magaalada Laascaanood,gaar ahaana Taliska Ciidanka Military Somaliland ee Goosha Cadde.

Munaasibadan Aas-aaska Ciidanka Qaranka waxaa ka qaybgalay weftiga Wasiirada ah ee uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali (Koore), Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Degmada Laascaanood, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Saraakiisha Ciidamada ee kala duwan iyo Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this