Sign in to follow this  
Emperor

Ururka Islaamka + Yemen congratulate Somali PM and Support...

Recommended Posts

Emperor   

Riyadh: Ururka Islaamka oo baaq udirey RW Cusub iyo Kooxaha nabada Soomaaliya ka soo horjeeda.

26. november 2007

 

 

Riyadh(AllPuntland)- Wargeyska Al-Xayaat ee ka soo baxa dalka Sucuudi Careebiya ayaa soo qorey wareysi dheer uu la yeeshay Xoghayaha guud ee Ururka Islaamka AKMALIDIIN ALJANADI ,uuna kaga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee Ururka Islaam ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay ka danbeeyaan dad leh buu yiri dano gaar ah ,ayna ugu baaqayaan dhamaanba Hogaamiyaasha leh awooda hogaamin ay dalka Soomaaliya xaaladiisa si wanaagsan ula socdaan.

 

Wuxuu ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya sida uu wax uga qabtey nabada meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ,isagoo sidoo kale sheegay in aysan dowlada Soomaaliya helin taageero ay ku qabato waxyaabo badan oo ay qaban lahayd.

 

Xoghayuhu wuxuu ugu baaqey Raysalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade ) in uu wada hadal lagalo qof walba oo u arko in uu wax ka qaban karo xaalada dalka Soomaaliya ,uuna miisaan ku leeyahay dalka isla markaan uu si deg deg ah wada hadalo ula furo kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho.

 

Akmalidiin Janadi ayaa qirey in aysan jirin wax taageero oo ah dhaqaale oo ay ku taageereen dowlada faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo balan qaaday in shirka ugu horeeya ee ay leeyihiin Madaxda Ururka Islaamka looga wada hadlayo dhaqaale ku taageerida Umada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Ururka Islaamka ayaa ugu baaqey Kooxaha iskugu tagey Magaalada Asmara in ay udaneeyaan danta guud ee Umada Soomaaliyeed ,ayna ka tanaasulaan danaha gaarka ee ay ilaashanayaan iyo waliba kuwa Xisbiyeed loogana baahan yahay in ay fiirsadaan markooda ,lana tartamaan Xisbiga ay Siyaasada isku hayaan doorashada 2009-ka ,taasoo ka dhici doonta dalka Soomaaliya sida qorsheysan HADII EEBE IDMO.

 

Wargeyska Al-Xayaat ayaa weydiiyey Xoghayaha in ay ayagu la socdaan qeybaha Soomaaliya isku haya mid ka mid ah ayaa wuxuu sheegay in ay taasi been cad tahay ,aysana jirin cid gaar ah oo ay la safan yihiin ,tani waxa ay ku soo aadey ayadoo horey loogu tirin jirey Ururkaasi in uu taageero Kooxihii Soomaaliya laga saarey.

 

Wareysigan uu Siiyay Wargeyska Al-Xayaat Xoghayaha guud ee Ururka Islaamka AKMALIDIIN ALJANADI oo ahaa mid dheer ayaa lugu weydiiyay Su'aalo fara badan oo dhamaantood khuseeya arimaha Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sanca: Yemen Oo soo dhaweysay Magaacibada Raysalwasaaraha Cusub.

26. november 2007

 

 

Sanca(AllPuntland)- Dowlada Yemen ayaa soo dhaweysay magaacibada Raysalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya umagacaabay Xilka Raysalwasaarino ka dib markii uu shaqadaasi ka tagey Cali Maxamed Geedi.

 

Dowlada Yemen ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan magacaabida Masuulkan Cusub ,ayna ku soo dhaweynayaan wada Shaqeyn wacan iyo in ay kala shaqeeyaan wixii taageero ah ee ugu baahdo dowladooda Yemen ,ayadoo Yemen ayaa tibaaxay in ay garab taagan tahay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Warkan ka soo baxay dowlada Yemen oo lugu faafiyay Wakaalada Wararka ufaafisa Yemen Ee SABA NEWS ayaa lugu sheegay ,in ay Xukuumada Sanca taageero walba siineyso Xukuumada Cusub ee Nuur Xasan Xuseen.

 

Yemen ayaa sheegtay in waajibaad adag ay horyaalaan Raysalwasaaraha Cusub loogana baahan yahay dadajinta dhawaanba qabashada waxyaabaha ay ku guuldareysatey Xukuumada Prof: Cali Maxamed Geedi.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa lugu tilmaamay in waxyaabaha uqabsoomaya Xukuumadii hore ay ahaayeen kuwa fiican ,inkastoo ay la kulantey Mucaarad badan oo kaga imaanayay baarlamaanka Soomaaliya ,oo diidanaa ayaa la yiri in Sharciga lugu tunto oo hareermaro.

 

Dowlada Yemen ayaa ugu danbeyntii ugu baaqday dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Madaxdeeda sare sida Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed,Gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aaden Madoobe iyo Raysalwasaare Nuur Xasan Xuseen.

 

Warkan ka soo baxay dowlada Yemen ayaa ku biiraya Hanbalyooyin aan kala go'laheyn oo soo gaaraya Raysalwasaaraha Cusub ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Do the Ururka Islamiga know that the leader of the Somali warlords declared the entire religous establishments as his "enemies" and vowed to fight them? Perhaps they will have some views?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Perhaps you, and only you should inform them as you are the only source of information...

 

Ururka Islaamka is onboard supporting the Somali government + Saudi Arabia + Yemen and all of the Muslim nations.... so What is the Islam you talk about that the TFG declared enemy, no such thing... UIC/ICU/USC do not represent Islam, very simple...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

The religious men have all the mosques, they have the education and social affairs, they own the health, they own the commerce, they own the telecommunication, they own Hawalas the money wiring services…nothing is in our hands… so how to deal with the religious establishment, we should discuss, are the religious establishment the government of the country? Or are we the government? Have you ever thought how we could takeover all of these wealth out of the hands of these religious men? The audience shouts back YES! Have you added that to the plan? Yes, shouts back the crowd Ok then, I am a man and I will give you a hand …these men are our enemies, do you hear me? Let us fight the men ! These men are what they are because of all they got all the wealth of the country, either education, religion, or a mosque, or Hawala or the economy or telecommunication or commerce what you have, are in their hands, let us force that out their hands, and that is if you want Somalia to become Somalia.

 

 

The above doesn't say anything about I.C.U or U.S.C. In fact he even names moderate groups such as Alislah. It clearly says the wadaad a.ka the religous men! Perhaps the Ururka Islamiga have any views on the occupation and invasion of Somalia, which is unislamic by the way............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this