Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa AL-SHABAAB oo isku soo dhiibay ciidamada DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
328499241_5940902259280015_7375096469322

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolkaasi.

Raggan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay aagga degmada Xarardheere oo kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikariim, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Caad.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay Al-Shabaab uga biireen deegaanada HirShabelle, gaar ahaan labada gobol ee maamulkaas oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda ee ka socdo halkaasi.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayey ka dalbadeen cafis guud, isla-markaana ay wax u qabto, maadaama ay yihiin dhalinyaro mustaqbal ka leh nolosha.

Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda ee soo dhoweeyay labada dhalinyarada ah ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, laguna wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh.

Mudug ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu gaarsiiyay khasaaraha ugu badan, ayada oo laga qabsaday deegaano horleh.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taas oo loo arko inay bilow u tahay dhammaadka kooxda.

328891798_2256340997868021_4353583386476 328499241_5940902259280015_7375096469322 328837176_2976013396027413_7628929249131 328839725_889990305460036_28936413402766

The post Xubno ka tirsanaa AL-SHABAAB oo isku soo dhiibay ciidamada DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this