Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo codsi u gudbiyay Taliska Maraykanka ee AFRICOM

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675317931650.jpg?resize=720%2C53

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab, sida ay qortay wakaaladda SONNA.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howlgallada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-shabaab, iyadoo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaannada laga xoreeyay maleeshiyada Al-shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Galmudug oo codsi u gudbiyay Taliska Maraykanka ee AFRICOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this