Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur-gobolleedka IGAD Oo Madaxweynaha Jabuuti ku ammaanay dedaallo xal raadineed oo ka wado Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur-Goboleedka IGAD, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dedaallo xal raadineed oo ka wado Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan mudaharaadyo rabashado wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo khudbad dheer ka jeediyey Shir ka dhacay Kenya waxa uu qayb ka mid ah Khudbadiisa kaga hadlay xaaladda Laascaanood, waxa uu sheegay In Urur ahaan ay bogaadinayaan dhexdhexaadinta uu wado Ismaaciil Cumar Geele in xal loogu helo Xiisadda Sool, isla markaana waxa uu xusay in ay ku dhiiri gelinayaan inuu sii wado ka shaqaynta dedaaladaasi nabaddeed.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ee ka dhacday Laascaanood.

FB_IMG_1675320351930.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this