Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee Doon ka baxday Dekedda Berbera oo degtay+ dad ku geeriyooday iyo kuwo la soo badbaadiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Naakhuudihii waday doon dhawaan ka baxday Dekedda Berbera oo degtay ayaa geeriyooday balse waxa la soo badbaadiyay shaqaalaha intii kale.

Shaqaalahan oo la la’aa muddo laba maalmood ayaa la helay balse waxa la xaqiijiayay in uu geeriyooday Naakhuudihi waday doonta sida uu xaqiijiyay Maareeyaha Dekedda Berbera.

“ Muddo laba cisho ah oo baadi doonkooda lagu jiray ka dib, waxa nabadqab lagu helay xalay Shaqaalihii baxaarida ahayd ee la socotay doontii degtay ee SK Marwah. Balse waxa xannuunka macaanka oo uu la noolaa awgii u geeriyooday Naakhuudihii doontaas waday oo u dhashay dalka Hindiya.

 Cisbitaalka Berbera ayaa la soo gaadhsiiyay maydka marxuumka geeriyooday.” Maareeyaha Dekedda Berbera.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this