The Zack Posted August 13, 2010 “Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri Sh. Ibrahimka UWSLF intuusan Xabashida isu dhiibin.. نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية : زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم 2004 Kobtan guji to see qormadan oo dhameystiran.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 13, 2010 Waxaa xusid mudan Gabay uu tiriyay Sayd Mohamed Abdille Hassan, I will let you read it.. * Doodna waxaan u leeyahay ...... Culima dafaarka ah * War ani idinma doocine ............ Idinkaygu diimayee * Dalkaad iibiseen baa ................ Dacarta igu kiciyayee * Shan haloo idiin daran .............. Dannigiin ka fiirsada * Mar waa inaad dayoowdeen .....Diirad haydin qabatee * Dadka aydin raacdeen .............. Isna wuu idin diga gubi * Dillaalkii la siiyana .................... Dunna kama helaysaan * Ninkii idin darraabana .............. Ajri iyo ducuu heli * Dibna deeqda Eebahay ............ Dibinta saari maysaan * Diin nimaan lahayni .................. Dameer caynsan weeyee * War maxaa dufulayahoow ........Cadaawaha ugu daranteen * Wanka doosha wayn iyo........... Ma dagadaad u xilateen * Qandiga mayska duubtaan ....... Dawarsigu ma fiicnee * Awyaaloow ma diiddeen ........... Jahaad maw dareertaan * Warma danana iyo seef ............ Darta maad ku qaaddaan * Darmaan haad la qooqdiyo ....... Doolaab maa u fuushaan * ...... * Idinkaa dalkaba lehee .............. Dawlad maa u noqotaaan * Illeen doqni calaf maleh ............ Dulbaax** maxaa ka baylahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 13, 2010 Qoraal taariiqeed oo waxba loo reebin waaye. How many Xabashi minions kursigaan la fadhiistay kaas in the last five or so years. In my mind, no less than eight Soomaali. Quote Share this post Link to post Share on other sites