Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo warbixin laga siiyey dhismaha dekadda cusub…

Recommended Posts

Deeq A.   
327945351_1609272876482813_5054499844808

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Guddiga ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyay ra’iisul wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyay guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay si gaar ah u dhiiri-gelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

Sanadkii hore ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni ay xariga ka jareen wajiga koowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Xasan ayaa xiligaasi oo uu wanaagsana xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, wuxuuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

Dekedda Garacad ayaa ahayd dekeddii ugu horreysay oo ay maal-gashtaan ganacsato Soomaaliyeed, waxaana la dhagax dhigay sannadkii 2017-kii. Sidoo kale waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso.

327945351_1609272876482813_5054499844808

The post Xamza oo warbixin laga siiyey dhismaha dekadda cusub… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this