Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo si kulul u cambaareysay qaraxii ay ku dhinteen 101 qof ee ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa ee 30-kii bishii Janaayo ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Qaraxaasi oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, ayada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankood ahaa saraakiil boolis.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn u cambaareysay falkaan, ayada oo xustay inay kasoo horjeedo waxkasta oo ka hor imanaya qiyamka iyo mabadi’da aadanaha.

“Soomaaliya waxay si weyn u cambaareyneysa falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.”

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ee ehelkooda ku waayey qaraxyada, ayada soo kabasho deg-deg ah u rajeysay dhaawacyada.

Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid kamid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaaladaas oo ku taalla meel 20KM u jirta xuduuda Afghanistan.

Peshawar ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay fulisay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Taalibaanta Pakistan. Hase yeeshee kooxda ayaa markan iska fogeysay weerarkan dadka badan ku dhinteen.
328618506_1217780022454311_5892797743980

The post DF oo si kulul u cambaareysay qaraxii ay ku dhinteen 101 qof ee ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this