Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aano xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Xasan Sheekh, Abiy, Geelle iyo Ruto

Recommended Posts

Deeq A.   
Geelle-Abiy-Ruto-Xasan-scaled.jpeg?fit=2

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, madaxweynaha Kenya William Ruto, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo iyagu galinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.

Shirkan u furmay madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxda ayaa waxay fallaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada xoogga dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxdan ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howl-galadii lagu xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan dalka, kuwaasi oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol.

Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in canaasiirta ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta kooxaha argagixisada.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey madaxda dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

Shirka ay maanta Muqdisho ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya marti-geliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xasan-scaled.jpeg?resize=696%2C542&ssl=1 Geelle-Xasan-Ruto-Abiy-scaled.jpeg?resiz Geelle-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 52662971668_a5d75e5c98_o-scaled.jpeg?res Geelle-Abiy-Ruto-Xasan-scaled.jpeg?resiz Abiy-scaled.jpeg?resize=696%2C508&ssl=1 Ruto-scaled.jpeg?resize=696%2C477&ssl=1 Geelle-Xasan-scaled.jpeg?resize=696%2C46 Abiy-Geelle-Ruto-Xasan-scaled.jpeg?resiz Ruto-2-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Abiy-2-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Geelle-3-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ss Xasan-6-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl Xasan-Sheekh-2-scaled.jpeg?resize=696%2CSomalia-Neighbouring-States-Summit-Commu Somalia-Neighbouring-States-Summit-Commu Somalia-Neighbouring-States-Summit-Commu

The post Go’aano xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Xasan Sheekh, Abiy, Geelle iyo Ruto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this