Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675240849019.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galaya shirka Soomaaliya iyo Dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

FB_IMG_1675240872209.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675240876647.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675240880832.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675240885685.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1675240891304.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675240895786.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this