Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilyaas Sheekh Ibraahim oo loo doortay Kursigii Baarlamanka ee uu banneeyay Mahad Salaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675245092537.jpg?resize=720%2C48

Doorashada kursiga HOP147 oo saaka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo baxay Ilyaas Sheekh Axmed.

Guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in Ilyaas Sheekh Ibraahim oo ay la tartantay Aamina Tahliil Warsame uu ku guuleystay 86 cod.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dhawaan shaacin doona xilliga la qaban doono doorashada kuraasta kale ee ka dhimman Golaha Shacabka, kuwaas oo uu ku jiro kursiga uu banneeyay Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

PUNTLAND POST

The post Ilyaas Sheekh Ibraahim oo loo doortay Kursigii Baarlamanka ee uu banneeyay Mahad Salaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this