Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Diiday In Diyaaradaha Dagaalka Loo Diro Dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Dalkiisa aanay Ukraine siin doonin Diyaaradaha Dagaalka ee Casriga ah ee F-16 si ay uga hortagaan duullaanka xooggan uu Ruushka ku qaaday Dalkaas.

Madaxweyne Joe Biden oo Suxufiyiinta ay weydiiyeen in Dowladdiisa oo Ukraine muddooyinkii u ballanqaadeysay gantaallada difaaca iyo saanad militari in ay qayb ka tahay diyaaradda Nooca dagaalka ee Casriga ah ee F-16 ayaa si cad meesha uga saaray in uu bixinaayo.

Arrintaan ayaa loo arkaa in ay niyadjab xooggan ay ku tahay Dowladda Ukraine oo ku howlan sidii ay u heli lahayd gacan militari si ay u hesho hubka casriga ah, diyaaradaha, Taangiyada ay u baahan yihiin ciidankeeda si ay iskaga difaacaan Ruushka.

Jarmalka iyo waddamo kale oo Reer Yurub ah ayaa Ukraine hore ugu diiday in ay siiyaan taangiyada casriga ah, Diyaaradihii ugu dambeeyay ee lasoo saaray iyo hubka awoodda u leh in uu qabto gantaallada ama burburaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this