Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Diiday Ansixinta Heshiis Uu Wasiirka Gaashaandhigga Lasoo Galay Imaaraatka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay xalay ansixiyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka iyo heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa dib u celiyay heshiiska Iskaashi Amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan usoo saxeexay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa dood ka keenay Heshiiskan, iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay in lagu celiyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, si ay uga soo tallo bixiyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu ololeynayay in heshiiskan Goluhu ansixiyaan, balse si guud ayay Golaha Wasiirada uga soo horjeesteen.

Waa markii u horreysay Golaha Wasiirada ay diidaan heshiis dal lala galay oo la horjeeno Golaha, tan iyo inta ay jirto Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, iyadoo ay dhif iyo naadir aheyd in dowladdii hore ay Golaha ama Baarlamaanka horkeento heshiisyo ama iskaashi lala soo galay dalal kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this